555818_10200199915994354_1179776526_n 548369_10201180353965830_1185501263_n
SOMALI LINKS

Malayshiyaad ka tirsan Kooxda Al-shabaab oo isku soo dhiibay Ciidamadda dowladda G/SH/hoose

Number of View :220

Taliska dowladda Soomaaliya ayaa lagu waramayaa in ay degmada Afgooye ku soo bandhigeen rag ka tirsan kooxda Al-shabaab oo sida ay sheegeen saraakiisha dowladda gacanta lagu soo dhigay.

C/qaadir Cismaan Mursal taliyaha ciidamada booliiska degmada Afgooye oo warbaahinta la hadllayay ayaa sheegay in ay ku soo bandhigeen degmada rag ka tirsan kooxda Al-shabaab oo ay ku soo qabteen duleedka degmada.

‘’Ragga aan soo qabanay waa danbiilayaan horay dilal kala duwan uga geystay gudaha degmada Afgooye, waxaana ay ku howlanayeen falal ay qal qal ku galinayaan nabad-galyada degmada,’’ ayuu yiri taliyaha ciidamada booliiska dowladda Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in ay sii wadaan howlgalada ay ku  baacsanayaan sida uu sheegay maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-shabaab ee doonaya in qal qalka iyo nabad-galyo darrada ka abuuraan deegaannada gobollka Shabeellaha hoose.

Dhawaan ayey ahayd markii askar ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya dil Loogu geystay degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>