555818_10200199915994354_1179776526_n 548369_10201180353965830_1185501263_n
SOMALI LINKS

man united oo dubatay new castle siina dheereesatay hogaanka ka dib guul daradii man city ka soo gaartay sunderland

Number of View :147

Kooxda Manchester United ayaa hogaanka horyaalka Premier League ku qabatay 7 dhibcood ka dib markii ciyaar adag ay 4-3 kaga badiyeen kooxda Newcastle oo marti ku aheyd Old Trafford.

Kooxda hogaanka u heysa horyaalka Ingariiska ayaa ku soo gashay iyagoo bedel ku sameeyay dhowr ciyaaryahan oo ku soo bilowday kulankii axadii ee Swansea, iyadoo Wayne Rooney uu ka maqnaa gabi ahaanba kooxda madaama la sheegay inuu shalay dhaawac ku soo gaaray garoonka tababarka.

Manchester United ayaa gool looga naxsaday daqiiqadii 4aad ee ciyaarta, markii kubad uu laaday Demba Ba uu soo bixiyay De Gea balse waxaa ku taabtay oo shabaqa si sahlan u dhex dhigay ciyaaryahan Perch islamarkaana hogaanka u dhiibay kooxda Newcastle.

Red Devils ayaana goolka barbaraha heshay daqiiqadii 25aad ee ciyaarta markii laad xor ah uu soo tuuray Van Persie ay ku guuldareysteen Newcastle inay iska bixiyaan waxaana kubada helay Javier Hernandez laakiin kubada uu goolka la haweystay waxaa lugaha ku badbaadiyay goolhaye Krul ka hor inta uusan Jonny Evans shabaqa ku hubsan.

3 daqiiqo ka dib Newcastle ayaa hogaanka ku qabatay mar kale gool oo uu muran ku jiro ka dib markii kubad uu soo tuuray uu iska dhaliyay Jonny Evans inkastoo Cisse uu offside ku jiray inkastoo uusan kubada taaban.

Garsoore Mike Dean ayaa markii hore diiday inay gool tahay laakiin la tashi uu la sameeyay caawiyayaashiisa ka dib waxa uu ogolaaday goolka. Taasoo ka careysiisay kooxdii martida loo ahaa.

Evans ayaana noqonaya ciyaaryahankii seddexaad ee Man United ah ee horyaalka Premier League soo taabta labada shabaq ee garoonka ka dib Wayne Rooney sannadkan iyo David Beckham 2001.

Daqiiqadii 39aad ee ciyaarta ayay Newcastle ku dhawaatay inay sii dheereystaan hogaankooda, ka dib markii laad xor ah oo uu tuuray Marveaux ay ka beenisay birtya.

Qeybtii hore ayaa ku dhamaatay 2-1 oo ay hogaanka ku heysay Newcastle, waxaana bilowgii qeybtii hore la arkayay tababare Sir Alex Ferguson oo careysan islamarkaana la hadlaya garsoore Mike Dean halka uu sidoo kale dood la galay calanwadihii taagan calanka markii hore.

Kooxda lagu naaneeso Shayaadiinta Cas Cas ayaana mar kale barbareysay ciyaarta markii Evra uu shabaqa ku hubsaday goolka barbaraha daqiiqadii 58aad ee ciyaarta.

Newcastle ayaa hadana mar kale hogaanka ciyaarta qabatay oo dhalisay goolkeedii 3aad, iyadoo Obertan uu kubad ka soo dhigay dhanka bidix waxaana sideeda kula qabtay oo si qurux badan u dhaliyay Papiss Cisse, daqiiqadii 68aad.

3 daqiiqo ka dib United ayaa hadana iyadana barbareysay, Robin van Persie ayaa fursad hore laga beeniyay laakiin fursadii labaad ayuu si habsami leh kubada u dabamariyay goolhaye Krul taasoo ciyaarta ka dhigtay 3-3.

 

Javier Hernandez iyo Robin van Persie ayaana fursado goolal loo fishay ka qasaariyay kooxda martida loo ahaa, iyadoo United ay xitaa ku andacootay in rigoore loo dhigay madaama darbo uu tuuray ay gacanta kaga dhacday Coloccini oo diilinta ganaaxa dhex taagan, laakiin garsoore Mike Dean ayaa diiday.

Amoebi ayaa isna ku dhawaaday inuu goolka guusha u dhaliyo Newcastle, laakiin birta ayaa beenisay waxaana kubada qabsaday David de Gea.

Daqiiqadii 90aad ayayna Manchester United heleen goolkii guusha ka dib markii Michael Carrick uu kubad qatar ah u qaaday Javier Hernandez kaasoo isna shabaqa dhex dhigay kubada.

Waxaana ay goolkaasi ka saaciday inay 4-3 ku diraan kooxda Newcastle ciyaar xiiso laheyd oo maalinta Boxing Day dhexmartay labada kooxood.

Dhanka kale Manchester City ayaa guuldarro dhadhamisay markii ugu horeysay iyadoo marti ah xilli ciyaareedkan horyaalka Premier League ka dib markii ay guuldarro 1-0 ka soo gaartay kooxda Sunderland.

Manchester City ayaa daqiiqadii 8aad ku sigatay inay hogaanka ciyaarta qabtaan markii kabtankooda Vincent Kompany uu kubad madax aheyd birta ku dhuftay, iyadoo Toure uu ka faa’ideysan waayay kubada soo laabtay.

Goolhayayaasha Joe Hart Iyo Mignolet ayaa fursado qatar ah badbaadiyay bartamihii qeybtii hore ee ciyaarta, laakiin labada kooxoodna 45tii daqiiqo ee hore kuma aysan guuleysan inay shabaqa soo taabtaan.

Kooxda difaacaneysa horyaalka Ingariiska ayaana waaga uu ku baryay bilowgii qeybtii labaad ee ciyaarta markii ciyaaryahankii ay iska iibiyeen Adam Johnson uu kubad meel dheer uu ka soo tuuray ay si lama filaan ah uga dhalatay goolhaye Joe Hart. Taasoo hogaanka u dhiibtay kooxda martida loo ahaa ee Sunderland.

Sunderland ayaana sii heshay fursado kale oo ay ku dhalin lahaayeen goolka labaad, iyadoo uu ka beeniyay Joe Hart iyo nasiibka.

Waxaan ay ciyaarta ku dhamaatay 1-0 oo lagu garaacay kooxda difaacaneysa horyaalka Ingariiska ee Manchester City.

Natiijooyinkaan ayaa ka dhigeysa in Manchester United ay hogaanka ku qabato 46 dhibcood iyagoo 7 dhibcood ka sareeya kooxda kaalinta labaad ee Manchester City kuwaasoo leh 39 dhibcood ka dib guuldaradii soo gaartay Boxing Day.

madiina.net

xafiiska ciyaaraha muqdisho67949_10151220839137746_280763952_n

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>