555818_10200199915994354_1179776526_n 548369_10201180353965830_1185501263_n
SOMALI LINKS

mancini oo dhaleeceen dusha kaga tuuray garsoore kevin freind ka dib guul daradii sunderland

Number of View :608

Roberto Mancini ayaa dhaleeceyn dusha kaga tuuray garsoore Kevin Friend ka dib guuldaradii Manchester City shalay ka soo gaartay Sunderland.

Ciyaaryahankii hore ee City Adam Johnson ayaa goolka guusha u dhaliyay City, taasoo aheyd guuldaradoodii ugu horeysay iyagoo marti ah xilli ciyaareedkan Premier League, laakiin Mancini ayaa aaminsan in dhismaha goolkaas in Pablo Zabaleta qalad lagu galay oo ay aheyd in laad xor ah loo dhigo.

Guuldarada ka soo gartay Stadium of Light ayaa ka dhigtay inay 7 dhibcood ka danbeeyaan kooxda hogaanka heysa ee Manchester United, Mancini ayaana weerar ku qaaday garsooraha ciyaarta.

“Garsooraha raashiin badan ayuu cunay shalay. Qaab fiican kuma uusan jirin.” ayuu yiri Mancini.

“Isaga iyo calanwadaha, maalin xun ayay ku jireen.”

Farqiga u dhaxeeya Manchester City iyo kooxda hogaanka heysa ee Manchester United ayaana ka dhigaya mid niyadjab weyn ku sii keenaya Roberto Mancini,

Waa guuldaradii labaad oo kooxdiisa soo gaarta xilli ciyaareedkan Premier League, iyagoo mar sii horeysay garoonkooda ay guuldarro ka soo gaartay Man United, haatana iyagoo marti ah ay guuldarro kala kulmeen Sunderland.

madiina.net

xafiiska ciyaaraha muqdishoroberto-mancini-manchester-city-coach

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>