Number of View :55
Madaxweynaha dalka Mareykanka Barack Obama ayaa sheegay in dowladdiisa taageero aan badneyn ka geystay weerarkii diyaaradaha dowladda Faransiisku ay ku qaadeen deegaannka Buula-mareer gobollka Sh/hoose dalka Soomaaliya.
Madaxweynaha waxaa u sheegay in taageeradoodu aheyd oo kaliya mid ku siman talooyin ay siiyeen saraakiisha ciidamada Faransiiska oo ku aadnaa habka uu weerarku u dhacay ama howlgalka loo fulinayo, waxaana uu intaa ku darray in mid ka mid ah diyaaradahooda dagaallka ay soo raacday kuwa Faransiiska laakiin aysan qeyb ka qaadan duulaanka.
Wasiirrka difaaca dalka Faransiiska ayaa horay u sheegay in duulaankii ay ku qaadeen Soomaaliya uu noqday mid fashilmay, islamarkaana kooxaha Islaamiyiinta ah noqon wayeen sidii ay filiyeen.
Waxaa uu sheegay madaxweyne Barack Obama in mudadii howlgalka lagu jiray saacado kooban diyaarad ka mid ah kuwooda dagaallka ay gudaha u gashay hawada Soomaaliya si ay caawimaad u siiso, laakiin nooma suurta-galin ayuu yiri sababo dhinaca nabad-galyada ah awgeed.
madiina.net@hotmail.com