Number of View :42
Safiirka Soomaaliya u jooga Dalka Liibiya danjire Cabdiqani Maxamed Wacays ayaa waxa uu sheegay in dhalinyaro soomaaliyeed oo boqolaal gaaraya ay ku dhibaateysan yihiin Dalka Liibiya
Cabdiqani Maxamed Wacays ayaa sheegay in Xabsiyada waaweyn ee dalkaasi ay buux dhaafiyeen dhalinyarada Soomaaliyeed kuwaasi oo uu sheegay inay ku noolyihiin nolol midii ugu xumeyd isagoo intaasi raaciyay in 4-Maalmood kahor ilaa 16-dhalinyaro dhamaantood ah ay ku geeriyoodeen saxaraha dalka Liibiya taasi oo uu sheegay inay tahay mid uu isagu aad uga murugooday.
Safiirka Soomaaliya u jooga Dalka Liibiya danjire Cabdiqani Maxamed Wacays ayaa hadalkliisa intaasi raaciyay in Hey’adaha Q/M/ aysan xil weyn iska saran u gar gaarida Soomaalida kuwaasi oo uu tilmaamay inay ka gaabiyeen daryeelka bukaanada Soomaaliyeed ee Xabsiyada ku jira.
Ugu dambeyntii ayaa danjire Cabdiqani Maxamed Wacays waxa uu madaxda ugu sareysa Dowlada Soomaaliya ugu Baaqay inay wax ka qabtaan Safarka Tahriibka loo yaqaano ee dhalintu ay naftooda ku haligayaan sida uu sheegay Safiirka Soomaaliya u jooga Dalka Liibiya.
xafiiska wararka muqdisho
madiina.net@hotmail.com