555818_10200199915994354_1179776526_n 548369_10201180353965830_1185501263_n
SOMALI LINKS

Maxkamadaynta Wariye Koronto oo Markii Sadexaad dib u dhac ku yimid

Number of View :132

Maxkadaynta Wariye Cabdicasiis Koronto oo manta ka furantay Maxakamadd a sare ee gobolka Banaadir, ayadoona ay goobjoog ahaayeen 5 eedaysane oo kamid ahaa Wariye Cabdi Casiis Koronto, ugu horayntii markii ay furantay Maxakamadaynta ayaa waxaa halkaasi ka hadlay Xeer ilaaliyaha Qaranka,isagoona halkaasi ka jeediyay dacwado ka dhan ah eedaysane Cabdicasiis Cabdinuur Koronto.

 

Qareenka ayaa halkaasi kusoo bandhigay Wariysi uu horay ula yeeshay eedaysane Wariye Cabdicasiis Koront, iyo afar marqaati oo ka socday dhinaca Booliska.

Waxaa sidoo kale halkaasi ka hadlay qareeno daafacaya Wariye Cabdullcasiis Ibraahim Koronto, waxayna sheegeen Warbixinada uu soo bandhigay xeer ilaaliyaha guud ee qaranka inay tahay mid been abuur ah.

Ugu danbeyntii  garsooraha Maxakamdda sare ee gobolka Banaadir ayaa ku dhawaqay inay maxakamadu xirantahay maalinta talaadada ah dib la iskugu soo noqon doono, Wuxuuna ku amray maalinta talaadada ah 8da subaxnimo la keeno eedaysanayasha Maxakamadda.

Dhanka kale Saxafiyiinta ka howlgala Magaalada Muqdisho ee goobjooga ka ahaa qaabka ay u dhacaysay maxakamadaynta Wariye Cabdicasiis Koronto oo kula hadlay  Warbaahinta banaanka hore ee Maxakamadda ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay qaabkay u socoto Maxakamadaynta Wariye Cabdullacasiis Koronto.

Wariyahaasha ayaa xusay inay ku rajo waynyihiin inay ku guulaysan doonaan Dacwada  ka dhanka ah wariyaha.

Dib u dhigistani manta ku dhacday Maxakamadaynta Wariye Cabdicasiis koronto ayaa noqonaysa midii saddexaad tan iyo markii lasoo xiray Wariye Cabdullcasiis Ibraahim Koronto.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>