Number of View :68
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya iyo wafdi la socday ayaa galinka danbe ee Maanta ka dhoofaya magaalada Muqdisho, iyaga oo ku sii jeeda dalka Mareykanka.
Madaxweynaha ayaa ka hor inta uusan u sii gudbin dalka Mareykanka ku sii hormari doona magaalada Nairobi ee dalka Kenya, isaga oo halkaa kula kulmi doona mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Kenya.
Lama oga inta ay qaadan doonto booqashadiisa, hase ahaatee waxaa uu noqonayaa safarkiisa u horeeyay ee uu Mareykanka ku tago tan iyo markii loo doortay xilka madaxweynaha bishii September ee sanadkii hore.
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa tan iyo markii la magacaabay safaro ku kala bixiyay qaar ka mid ah dalalka dariska sida Kenya, Jabuuti, Itoobiya, Suudaan Uganda, waxaana uu safarkiisan noqonayaa kii ugu horeeyay.
Madaxweyne Xassan Sheekh Max’uud ayaa bisha May sanadkan magaalada London uga qeyb-gali doona kulan looga hadllayo xaalada dalka Soomaaliya.
madiina.net@hotmail.com