555818_10200199915994354_1179776526_n 548369_10201180353965830_1185501263_n
SOMALI LINKS

meesi oo markiisi 4aad ku guuleytay fifa ballon d’orr

Number of View :2071

Ciyaaryahan Lionel Messi ayaa ku guuleystay markii afaraad oo isku xigta xiddiga ugu fiican sannadka kubada cagta adduunka ee abaalmarinta FIFA Ballon d’Or ka dib xaflad caawa ka dhacday Zurich.

Messi ayaa abaalmarintan ka qaaday xiddiga kooxda Real Madrid Cristiano Ronaldo iyo saaxiibkiisa kooxda Barcelona Andres Iniesta.

Lionel Messi ayaa helay codadka ugu badan ee codadkii ay dhiibteen tababarayaasha xulalka qaranka iyo kabtanada xulalka qaranka iyo waliba joornaaliistayaal ay soo xuleen majalada France Football.

Messi ayaa abaalmarinta Ballon d’Or iyo Fifa World Player of the Year isku qaaday 2009kii, 2010kii waxa uu qaaday labada abaalmarin oo la isku daray lagana dhigay Fifa Ballon d’Or, 2011 mar kale ayuu ku ceshtay abaalmarinta xiddiga sannadka adduunka, 2012 ayaana haatan mar kale loo caleemo saaray xiddiga ugu fiican sannadka kubada cagta caalamka taasoo ah rikoor cusub.530316_554278561267567_570616072_n

Messi ayaa sannadkii dhamaaday ku riyaaqay isagoo jabiyay rikooro ciidaas ka badan, waxaana laga soo qaadan karaa rikoorkii muddo 40 sannadood uu hayay Gerd Muller ee uu jabiyay kaasoo ahaa goolasha ugu badan ee hal sanno uu ciyaaryahan dhaliyo, waxaana Messi uu dhigay rikoor cusub isagoo dhaliyay sannadii 2012 91 gool.

2012 sidoo kale waxa uu noqday ciyaaryahanka abid ugu goolasha badan kooxda Barcelona isagoo jabiyay rikoorkii Cesar Rodriguez.

2012 waxa uu sidoo kale noqday ciyaaryahankii ugu horeeyay ee shan gool ka dhaliya tartanka koobka kooxaha horyaalada Yurub intii loo bixiyay Champions League iyadoo Barca ay kulankaas 7-1 ku garaacday Bayer Leverkusen.

Lionel Messi ayaana haatan markii afaraad oo isku xigta ah laacibka sannadka adduunka waana rikoor cusub oo uumessi kuso kordhiyey caalamka kubada cagta.

madiina.net

xafiiska ciyaaraha muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>