Number of View :209
Mucjisada kubada cagta waqtiga Lionel Messi ayaa sheegay inay u badan tahay inuusan gaari doonin halkii uu gaaray 2012, laakiin waxa uu qirtay inuu indhaha ku hayo inuu ku guuleysto Ballon d’Or markii shanaad.
Xiddiga reer Argentina ayaa sannadkii tagay dhaliyay 91 gool isagoo jabiyay rikoorkii Gerd Muller, waxaana uu sidoo kale qaaday markii afaraad oo isku xigta laacibka sannadka adduunka.
Inkastoo uu Messi qirtay inay adag tahay inuu sameeyo wax ka sii fiican wixii uu sameeyay sannadkii hore, hadana waxa uu doonayaa inuu guulo kale ku darsado.
“Waxaan rajeynayaa inaan ku guuleysto Ballon d’Or kale” ayuu Messi u sheegay France Football.
“Ii ogolaada inaan ku riyaaqo waqtigeyga. Dib ayaan u booqan doonaa mar kale bilo yar ka dib.
“Waxaan isku dayaa inaan hore u sii socdo laakiin aad ayay u adag tahay. Ma hubo inaan gaari karo 91 gool sannad kasta.”
25 jirkaan ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in abaalmarin kasta uu ku guuleysto inay micno gooni ah ugu fadhiso.
Waxa uu yiri: “Abaalmarin kasta oo Ballon d’Or ah dareen isku mid ah iima lahan, laakiin waa isku qiiro. Qof walba waa uu iga farxiyay.
“Midii hore ee aan ku qaaday Paris waxa ay ii aheyd mid qariib ah. Tii labaad ma aanan filaneynin. Sharaf ayayna ii aheyd inaan barbareeyo [Michel] Platini iyo [Johan] Cruyff tii seddexaad.”
Messi ayaa sidoo kale wax laga weydiiyay waxa maankiisa aan marnaba ka go’in intii uu kubada cagta ciyaarayay, waxaana uu ku jawaabay:
“Marka aan indhaha isku qabto, islamarkaana aan dib u fiiriyo mustaqbalkeygii ciyaareed, sawirka ugu horeeya ee igu soo dhacaya waa kii Rome, dhamaadkii 2009 [Guushii Champions League ay kaga qaadeen Manchester United], goolkii aan madaxa ku dhaliyay, iyo sida aan wadajir ahaan ugu riyaaqnay. Rikooryada kale ee aan jabiyay waa wax xusuus leh, laakiin waan jeclahay inaan ku riyoodo goolkaas madaxa ahaa.”
Messi ayaa qirtay inkastoo uu yahay mid ka mid ah laacibiinta adduunka ugu fiican hadana inuu weli ku dhibtoodo inuu dadka hortooda hadal ka jeediyo, sannadkana markii uu gudoomayay abaalmarinta Ballon d’Or waxba sidaasi kama aysan duwaneyn.
Waxa uu yiri: “Wixii aan iri waa wax iga soo go’ay, laakiin waxba iima diyaarsaneyn, hadii kale ma aanan seegi laheyn inaan xuso Tito Vilanova iyo Eric Abidal. Xitaa waxaan u hambalyeeyn lahaa Cristaino Ronaldo.”
madiina.net
madiina.net@hotmail.com