Number of View :169
Weeraryahanka Barcelona Lionel Messi ayaa si dhaqso ugu mahadceliyay saaxiibkiisa kooxda Barcelona Andres Iniesta ka dib markii uu ka qaaday isaga iyo xiddiga Real Madrid Cristiano Ronaldo, isagoo ku guuleystay markii afaraad oo isku xigta abaalmarinta Fifa Ballon d’Or.
Xiddiga reer Argentina oo dhaliyay 91 gool sannadkii 2012 ayaa helay 46.1 boqolkiiba codadkii la dhiibtay, halka ninka ku soo xigay uu ahaa Cristiano Ronaldo kaasoo helay 23.68 boqolkiiba codadkiisa la dhiibtay.
Halka Iniesta uu galay kaalinta 3aad isagoo helay 10.91 boqolkiiba codadka la dhiibtay, Messi ayaana si gooni ah u amaanay Iniesta markii uu gudoomayay abaalmarinta.
“Hadii aan runta idiin sheego, tani waa wax aan la aamini karin. Abaalmarintii afaraad aan helo waa wax ka qeyn hadal kaliya” ayuu yiri Messi markii uu gudoomayay abaalmarinta.
“Waxaan jeclaan lahaa inaan xuso asxaabteyda kale ee Barcelona: Iniesta, wax weyn ayay ii aheyd inaan tababar kula qaato oo kula ciyaaro.
“Waxaan sidoo kale doonayaa inaan xuso saaxiibadeey xulka qaranka Argentina.
“Qof walba oo ila shaqeeyay, tababarayaasha, shaqaalaha iyo qoyskeyga. Sidoo kale xaaskeyga iyo wiilkeyga. Mahadsanidiin.”
Messi has ayaa noqday ciyaaryahankii ugu horeeyay abid ee ku guuleystay FIFa Ballon
madiina.net@hotmail.com