555818_10200199915994354_1179776526_n 548369_10201180353965830_1185501263_n
SOMALI LINKS

messi:In ciyaar la inagala badiyo inay imaado ayay aheyd xilli ay tahayba

Number of View :875

Laacibka mucjisada ku caan baxay ee kooxda Barcelona Lionel Messi ayaa sheegay in guuldaradadii xalay ka soo gaartay Real Sociedad inaysan gabi ahaanba aheyn mid lama filaan aheyd, laakiin waxa uu hadalkiisa raaciyay inay haatan qasab ku tahay in guul kula soo kabsadaan kulanka Copa del Rey.

Inkastoo uu dhaliyay gool kulankiisii 10aad oo isku xigta horyaalka La Liga, kooxda Real Sociedad ayaa soo laabasho qatar ah sameysay oo ay guuldarro markii ugu horeysay dhabarka ugu saariyeen xilli ciyaareedkan horyaalka La Liga kooxda Baugrana.

Laakiin ciyaaryahanka dhawaan ku guuleystay Ballon d’Or ayaa ciyaarta ka dib u sheegay suxufiyiinta:

“In ciyaar la inagala badiyo inay imaado ayay aheyd xilli ay tahayba.messi_iniesta_sociedad_2013_300

“Waa inaan si dhaqso ah uga soo kabsanaa sababtoo ah ciyaarta soo socota ee Copa del Rey.”

Dhanka kale Pedro, kaasoo dhaliyay goolka labaad ee Barca ayaa si dhaqso ah u dhaleeceeyay go’aankii garsooraha uu jaale labaad ku siiyay Gerard Pqiue.

“Casaankii Pique ayaa wax ka bedelay ciyaarta, sababatoo ah waxa ay aheyd taakal aan halis aheyn. Kulanka khamiista ma guuldareysan karno.” ayuu yiri.

Kooxda Camp Nou ka dhisan ayaa u safri doonta Malaga bartamaha isbuuca iyagoo la ciyaari doona lugta labaad ee wareega 8da Copa del Rey.

madiina.net

xafiiska ciyaaraha muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>