Number of View :184
Kubbad sameeyaha Real Madrid iyo xulka germany Mesut Ozil ayaa ku guuleystay codbixin loo qaaday ciyaaryahanka ugu wanaagsan xulka germany.
Codbixintan oo taageerayaasha Jarmalka laga qaaday ayaa 24jirkan Ozil waxa uu helay 32.5% iyadoo codbixintana ay samaysay xiriirka kubbada cagta Jarmalka (DFB), isagoo waxbadanka horeeyay gooldhaliyaha Lazio Miroslav Klose oo helay 13.9% halka uu kaalinta labaad ka galay ciyaaryahanka qadka dhexe ee Borussia Dortmund Maro Reus oo isagana urursaday 13.1% galayna kaalinta labaad
Waa sanadkii labaad ee isku xigta ee uu ciyaaryahankii hore ee Werder Bremen uu ku guuleysanayo abaalmarintan taasoo ka dhigtay mid sare u qaaday sumcada uu ku dhex leeyahay wadankiisa.
madiina.net
madiina.net@hotmail.com