555818_10200199915994354_1179776526_n 548369_10201180353965830_1185501263_n
SOMALI LINKS

Midowga Africa oo ka hadlay qorsha Ciidamada Kenya qeyba kamid ah looga saarayo dalka

Number of View :179

Iyadoo dhawaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay shaaciyeen in 20% ciidanka Kenya ee ku sugan Jubbooyinka laga saarayo halkaasi ayaa arintaasi waxaa ka hadlay wakiilka Midowga Afrika ee Arimaha dalka Soomaaliya.

Mohamed Anadif oo ah wakiilka Midowga Afrika ee dalka Soomaaliya oo warbaahinta Muqdisho kula hadlay ayaa wuxuu sheegay inuu jiro qorshaha ku aadan in ciidanka Kenya dalka Somaaliya laga saarayo balse go’aankiisa aysan isku waafaqin Golaha Ammaanka ee QM.

Wuxuu sheegay in iminka uu socdo qorshe ku aadan in ciidanka Kenya ee ku sugan Jubbooyinka lagu badalo ciidamo ka socda Dowladda dalka Serlion.

Kenya ayaa waxaa gudaha dalka Soomaaliya ka jooga ciidamo ku shaqeeya magaca AMISOM kuwaasi oo ka howlgala Gobalada Jubbooyinka Magaalada ugu weyn ee dalka Soomaaliyana ay ka joogaan ay tahay Magaalada Dekeda leh ee Kismaayo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>