555818_10200199915994354_1179776526_n 548369_10201180353965830_1185501263_n
SOMALI LINKS

Midowgga Africa oo sheegay in Al-shabaab ay gaareen deeganno ka tirsan Soomaaliland iyo Puntland

Number of View :159

Wakiilka ama danjiraha gaar ah ee midowgga Africa u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mahhamet Salax Annaadif ayaa sheegay in ay hayaan xog ku saabsan in maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab gaareen deegaannada Puntland iyo Soomaaliland.

Waxaa uu sheegay in wakiilka kadib markii ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM dagaallo culus oo ay la galeen Al-shabaab uga itaal roonaadeen koonfurta Soomaaliya, waana tan keentay ayuu yiri in ay hadda u wareegaan deegaannada Soomaaliland iyo Puntland.

Waxaa uu sheegay in laamaha sirdoonka midowgga Africa ogaadeen rag sar sare oo ka tirsan Al-shabaab gaareen deegaanno ka tirsan Soomaaliland iyo Puntland halkaasoo ay doonayaan in ay ka geystaan falal amaan darro.

“Tan iyo markii ciidamada dawlada iyo kuwa AMISOM ay la wareegeen gobolada labada Shabelle iyo Jubbooyinka intooda badan waxay keentay in xubnaha ugu sareeya Al-Shabaab qaarkood ay u baxsadaan gobolada ku yaala iyo woqooyiga iyo bariga Soomaaliya si ay gabaad u doontaan” ayuu intaa ku daray Max’ed Saalax Annadif danjiraha midowga Afrika ee Somaliya.

Warka ka soo baxaya midowgga Africa ayaa sidoo kale waxaa xaqiijinaya mas’uuliyiin ka tirsan Soomaaliland oo sheegay in ay heleen xog ku saabsan in deegaannada Soomaaliland ku dhuumaleysanayaan rag ka tirsan Al-shabaab, ciidamadana heegan buuxa la galiyay.

Deegaannada Puntland ma’aha wax  cusub oo horay ayeey u joogeen Al-shabaab, waxaana marar badan ay dagaallo culus la galeen ciidamada maamul gobolleedka Puntland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>