Number of View :196
AC Milan ayaa u sheegtay Manchester City inay hoos u dhigto qiimaha Balotelli hadii ay doonayaan inay iyaga ka iibiyaan.
M
adaxweyne ku xigeenka Milan Adriano Galliani ayaa qirtay in kooxda Talyaaniga ah ay xiiseyneyso weeraryahanka City, laakiin ma doonayaan inay bixiyaan 37 milyan euros oo uu sheegtay inay dalbaneyso kooxda heysata horyaalka Premier League.
Balotelli, oo ah taageero AC Milan ah, ayaa muddo dheer lala xiriirinayay inuu ku laabanayo Italy, halkaasoo uu ka soo baxay Inter Milan ka hor inta uusan City ku biirin 2010kii.
Galliani ayaa yiri sida ay sheegtay Sky Sports: “Dhamaadkii jimcihii Manchester City waxa ay weli ku adkeysaneysay 37 milyan euro. Waxaan arki doonaa isniinta. Qiimahaas hadii ay ku adkeystaan, Balotelli waxa uu sii joogi doonaa Manchester City.”
Wakiilka Balotelli, Mino Raiola ayaa waqti ku qaatay xarunta Milan jimcihii, iyadoo lagu soo waramayay inay ka wada hadlayeen iibka ciyaaryahanka.
Galliani ayaase rajo weyn ka qaba inuu dib Milan ugu soo celiyo xiddigoodii hore Kaka , waxaana haatan socda wadahadalo ciyaaryahanka Real Madrid looga dhaadhicinayo inuu dhimo mushaharkiisa.
madiina.net
xafiiska ciyaaraha muqdisho
madiina.net@hotmail.com