Number of View :157
Wararka naga soo gaaraya deegaanka Xeraale ee gobolka Galgadud ayaa sheegaya inay halkaasi gaareen Wafdi Xildhibaano ah oo kasoo jeeda gobolka Galgaduud kuwaasoo maalmihii ugu danbeeyay booqanayay degmooyinka gobolka Galgaduud.
Wafdigani ayaa kasoo kicitimay Magaalada Caabudwaq ee waqooyiga gobolka Galgaduud, waxaana ay Maalmihii ugu danbeeyay safaro ay ku doonayaan inay wax oga ogaadaan baahida ay dowladda u qabaan shacabka gobolka galgaduud ay ku marayeen deegaanada gobolkaasi.
Xildhibaan Cabdullaahi Yuusuf Cali Nuur oo kamid ah Mudanayaasha safarka ku maraya gobolka Galgaduud oo la hadlay Madiina.net ayaa sheegay safarkooda inay uga gol leeyihiin sidii ay bulshada ay matalaan u dhagaysan lahaayeen Cabashooyinkooda isla markaasina ay Xukuumadda ugu gudbin lahaayeen.
Waxaa la filayaa inta ay ku suganyihiin wafdigani gobolka galgaduud inay kulamo la qaataan Qaybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan gobolka Galgaduud.
madiina.net@hotmail.com