555818_10200199915994354_1179776526_n 548369_10201180353965830_1185501263_n
SOMALI LINKS

ninka loogu doonis badan yahay yurub falcoa oo sheegay inuu xilli ciyareedkan la joogayo kooxdiisa

Number of View :225

Weeraryahanka loogu doonista badan yahay qaarada yurub ee kooxda Atletico Madrid Radamel Falcao ayaa sheegay in uusan ogeyn waxa dhici doona kadib marka uu dhamaado xilli ciyaareedkan iyadoo ay soo baxayeen warar sheegaya in uu doonayo in uu ka tago kooxdiisa inta uusan dhamaan xilli ciyaareedkan.

Falcao ayaa lala xiriiriyay qaar ka mid ah kooxaha ugu waaweyn ee ka dhisan qaarada Yurub bilihii la soo dhaafay.

Hase ahaatee isagoo ka hadlayay munaasabad ka dhacday Dubai ee ahayd Globe Soccer halkaa oo loogu magacaabay ciyaaryahanka sanadka ayaa waxa uu Falcao yiri:

“Saddex sano oo heshiis ah ayaan kula jiraa  Atletico Madrid,” “Waxaan ku dhamaysan doonaa xilli ciyaareedkan kooxda aan ka tirsanahay mana garanayo kadib waxa dhici doona.

“Waxaan ka fekerayaa kooxdeyda oo kaliya, waxaan ogahay in ay warar la isla dhex marayo balse waxaan rajaynayaa in ay taasi saameyn igu yeelan. “Xaqiiqdii waan ku faraxsnahay la joogitaanka kooxda Atletico Madrid.

“Waxaa hubaal ah inaan horyaal kale ka ciyaari doona mustaqbalka balse hadda waxaan kula jiraa heshiis saddex sano ah kooxda Atletico madrid ayuu yiri falcoa.

madiina.net xafiiska ciyaaraha muqdishoColombia's Radamel Falcao interviewed ahead of International Friendly

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>