555818_10200199915994354_1179776526_n 548369_10201180353965830_1185501263_n
SOMALI LINKS

Nuur Cadde: Xukuumadda waa nagu taageertay Kireenta Safaaradda Soomaaliya ee dalka talyaaniga

Number of View :382

nuur-cadde111Safiirka Soomaaliya ufadhiya waddanka Talyaaniga Nuur Xasan Xuseen Nuur Cade ayaa sheegay in dhismaha Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay waddanka Talyaaniga laga kireeyay Shirkad laga leeyahay waddanka Talyaaniga islamarkaana Xukuumadda Soomaaliya arrintaasi ay soo dhaweysay kadib markii Wasiiradda arrimaha dibadda ay gaartay waddankaasi Talyaaniga islamarkaana kulan ay la qaadatay Safiirka Soomaaliya iyo qaar ka tirsan Madaxda dowladda Talyaaniga iyo Jaaliyadda Soomaalida ee ku dhaqan waddanka Talyaaniga sida uu hadalka udhigay

Safiirka ayaa waxa uu sheegay in dowladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga ay ku heshiiyeen in la adkeeyo xiriirka ka dhexeeya labada dowladood

Tan iyo markii ay soo baxday in  Safiirka Soomaaliya ufadhiya waddanka Talyaaniga uu kireeyay dhismaha Safarradda Soomaaliya ay ku leedahay waddankaasi Talyaaniga ayaa waxaa soo baxayay qaylo dhaan ku aadan Kireenta Safaaraddaasi taasoo ay ka soo yeereysay Jaaliyadda Soomaalidaa ee ku dhaqanka dalka Talyaaniga

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>