Number of View :83
Iyadoo dhawaan Ra’iisul Wasaaraha dawladda Federaalka Soomaaliya Dr Cabdi Faarax Shirddoon uu sheegay in ay qabanayaan Tartan Ol ole Nadaafadeed oo u dhaxaynayaa Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxaa iminka degmooyinka gobolka si habsami ah uga soconaya Ol Olaha Nadaafadda Gobolka Banaadir.
Degmada Hawl Wadaag oo manta aan booqanay ayaan waxaan halkaa kula kulanay Dad weynaha Xaafadda saqaawaddiin ee degmada hawl wadaag oo hawlo nadaafadeed halkaa ka waday.
Dadkan oo isugu jiray Dumar Caruur iyo Rag ayaa waxa ay ku hawlanaayeen jarista Dhirta gaar ahaana Geedaha loo yaqaano ba boocda iyo Geed Jiniga kuwaasoo isla markaana waddooyinka ka qaadayay Bacaadka.
Maxamed Xaashi Guddoomiyaha Xaafadda saqaawaddiin oo aynu arrinta Nadaafadda ay ku hawlan yihiin aan wax ka weeydiinay ayaa inoo sheegay in tartan ay kula jiraan Degmooyinka kale ee Gobolka Banaadir isla markaana ay fulinayaan awaamiirtii ka soo baxday Mas’uliyiinta Xukuumadda iyo Gobolka.
Xaashi ayaa xusay in ay u taagan yihiin har iyo habeen sidii ay u soo celin lahaayee bilicdii lagu yiqiin Degmada Hawl wadaag gaar ahaana Xaafadooda saqaawaddiin.
Guddoomiyaha waaxdaas ayaa raja wanaagsan ka muujiyay sida uu kalsoonida buuxda ugu qabo in ay ku guulaysan doonaan kaalinta koowaad tartanka u dhaxeeya Degmooyinka Gobolka Banaadir.
Si kastaba dhawaan ayay ahayd markii Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saacid uu shaaca ka qaaday in degmadii kaalinta koowaad ku guulaysata in la siin doono abaal marin lacageed oo gaaraysa illaa shan iyo Toban Kun oo Doolarka Maraykanka ah.
madiina.net
hoyga wararka
xafiiska muqdisho – somalia
madiina.net@hotmail.com