Number of View :205
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Juventus Paul Pogba ayaa sheegay inuusan ku dayaneynin inuu minguuriyo qaab ciyaareedka cidna ka dib markii lala barbardhigay Frank Rijkaard.
Tababare Antonio Conte ayaa sheegay in ciyaaryahanka reer France uu soo xusuusiyay halyeeygii Milan Frank Rijkaard ka dib ciyaartii ay 4-0 kaga badisay Juventus kooxda Udinese, laakiin Pogba ayaa u sheegay Sky Sport24 inuu doonayo inuu ciyaaro qaab ciyaareedkiisa u gooniga ah.
“Waan ka warqabaa sida uu Rijkaard ku ahaa ciyaarta” ayuu yiri Pogba.
“Ma aqaano hadii aan isaga oo kale u muuqdo. Ma doonayo inaan minguuriyo cidna, waxaan doonayaa kaliya inaan horumar sameeyo, oo aan sii ahaado Paul Pogba.”
Ciyaaryahankii hore ee Manchester United ayaa sidoo kale sheegay inuu ku faraxsanaa qaab ciyaareedkiisii Udinese, laakiinw axa uu qirtay inay tahay inuu sidaasi si ka fiican u ciyaaro si uu u helo boos joogta ah
“Waxaa ay ii aheyd habeen qurux badan, waxaan dhaliyay labo gool, goolka hore ayaana gaar ahaan ahaa mid aad u fiican, sidaasi darteed waan faraxsanahay.” ayuu yiri.
“Waa ogahayse inaan halkaan ku hakan doonin, waa inaan sidaan ama si ka fiican u sii ciyaaraa.
“[Claudio] Marchisio iyo [Andre] Pirlo waa ciyaaryahano waa weyn sidaasi darteed wax dhibaato ma lahan hadii aan kursiga keydka fariisto. Hadii ay tahay inaan ciyaaro waan ciyaari doonaa, waxaana isku dayi doonaa inaan qabto shaqadeyda ugu fiican.
Juventus ayaa haatan shan dhibcood ku heysa hogaanka horyaalka Serie A,
madiina.net
madiina.net@hotmail.com