Number of View :113
Daafaca dhexe ee Real Madrid Pepe ayaa aaminsan in Cristiano Ronaldo uu qandaraaska u kordhin doono kooxda, laakiina ma uu hubo mustaqbalka tababare Jose Mourinho.
Xiddigii hore ee Manchester United ayaa la isla dhexmarayaa inuusan ku faraxsaneyn nolasha Bernabeu, waxaana dhawaan lala xiriiriyay inuu u dhaqaaqayo kooxda Faransiiska ee PSG.
Kooxda Paris Siant-Germain ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa inay xiiseynayaan Mourinho, kaasoo waqti adag uu haatan soo wajahayo, iyadoo kooxdiisa ay La Liga 16 dhibcood ka danbeyso kooxda ay xafiiltamaan ee Barcelona.
“Cristiano waa uu ku faraxsan yahay Real Madrid, waxaana uu diirada saarayaa inuu kooxda caawiyo. Waan hubaa inuu qandaraaska kordhin doono” ayuu Pepe u sheegay Grande Area.
“Si kastaba, ma hubo waxa uu sameyn doono Mourinho. Ma jiraan wax la hubo. Kaliya tababaraha ayaa og waxa uu mustaqbalkiisa yahay, laakiin waxaan rajeynayaa inuu joogo sababtoo ah waan u baahanahay.” ayuu saxaafada u sheegay daafaca dagaalka badan ee real madrid pepe.
madiina.net
madiina.net@hotmail.com