Number of View :161
Maamulaha khadka dhexe ee xulka italy iyo kooxda marwada duqda ah lagu naaneeso ee juventus Andrea Pirlo ayaa u sheegay Chelsea inay qalad tahay inay iska fasaxaan Frank Lampard, isagoo intaas ku daray inuu jeclaan lahaa inuu ku arko Juventus.
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee England ayaa ka tagaya Chelsea dhamaadka xilli ciyaareedkan, iyadoo kooxda aysan dooneynin inay qandaraaska u cusbooneysiiso.
Laakiin Pirlo oo 33 jir ah islamarkaana hal sanno ka yar Lampard ayaa u sheegay US TV: “Waxaan ka hadli karaa kaliya waxa aan arko.
“Waxaan arkana waxa ay tahay in Lampard uu weli yahay mid ka mid ah ciyaaryahanada khadka dhexe ee dunida ugu fiican.
“Hadii uu doonayo inuu isku dayo inuu ka ciyaaro Italy, hubaashii waan ku soo dhaweyn lahaa Juventus. Italy si raaxo leh ayuu Frank uaga ciyaari karaa afar sanno kale.”ayuu pirlo.
madiina.net
madiina.net@hotmail.com