Number of View :68
Qarax loo adeegsaday miino dhulka lagu aasay ayaa magaalada Marka ee xarunta gobollka Shabeellada hoose, waxaa lagula eegtay gadiid ay la socdeen ciidamada midowgga Africa AMISOM
Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in gadiid la weeraray oo si kolanyo ah u socday uu mid ka mid ah haleelay qarax, laakiin ilaa iyo hadda si dhab ah looma oga khasaaraha soo gaaray ciidamadii la socday.
‘’Qaraxu waxaa uu ahaa mid laga wada maqlay dhamaan xaafadaha magaalada Marka, markaa kadib ayeey dadku ogaadeen lagu weeraray ciidamada AMISOM, ayuu yiri,’’ qof degan magaalada Marka.
Guddoomiye ku-xigeenka maamulka magaalada Marka ayaa sheegay in uusan jirin wax khasaare ah oo ka dhashay qarax, isaga oo intaa ku darray in howlgal ay sameeyeen ciidamada lagu soo qab qabtay dad isugu rag iyo dumar la tuhunsan yahay.
Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegtay in ay ka danbeysa weerarka dhacay, laakiin qaraxyada noocan oo kale ah inta badan waxaa geysta kooxda Al-shabaab ee ka soo horjeeda dowladda Soomaaliya iyo xoogagga gacanta siinaya.
madiina.net@hotmail.com