Number of View :234
Qarax baabuur loo adeegsada ayaa goor dhaweyd ka dhacay makhaayad ku taalla xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.
Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay qaraxan 3-kalena waa ay ku dhaawacmeen, sida uu noo xaqiijiyey Qaasim Maxamed Nuur oo ka mid shirkadda iska leh maqaayadda.
Goob-jooge magaciisa qariyey oo www.madiina.net la hadlay ayaa sheegay in qaraxu uu ka dhacay barxadda baabuurta la dhigto ee maqaayadda.
Maqaayaddan qaraxa lala eegtay ayaa waxaaa isticmaala dadka qurbo-joogta, ganacsato iyo saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya.
Wareysiyo qaraxa ku saabsan halka hoose ka dhageyso…http://www.voasomali.com/audio/audio/258876.html
madiina.net@hotmail.com