555818_10200199915994354_1179776526_n 548369_10201180353965830_1185501263_n
SOMALI LINKS

qarax lala eegtay ciidamada dowlada oo ka dhacay muqdisho

Number of View :429

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qaraxyo kala duwan lagu weeraray ciidamada Dowlada ee ku sugan Magaalada Muqdisho ee xarunta Dalka Soomaaliya.

Qaraxa koobaad ayaa lagu weeraray ciidamo dolwada ka tirsan oo ku sugan shaneemo Cabdi Waayeel ee Degmada Huriwaa,waxaana qaraxa kadib lamaqlayay rasaas xoogan oo daba socotay.

Qaraxan ayaa laga maqlay guud ahaan degmada Huriwaa, waxaana xoogiisa laga maqlay xaafada Suuqa Xoolaha oo ay ku sugan yihiin Ciidamo kale oo ka tirsan Dowlada Soomaaliya.

Ma cada khasaaraha ka dhashay qaraxa lala eegtay ciidamada Dowlada ee ku sugan Shaneemo Cabdi Waayeel, waxaana warar hoose ay sheegayaan inuu jiro dhaawacyo soo gaaray ciidamada Dowlada.

Sidoo kale qarax kan la mid ah ayaa lagu qaaday ciidamo ka tirsan Dowlada Soomaaliya oo ku sugnaa Xaafada Jamhuuriya ee Degmada Kaaraan,waxaana qaraxan aan la ogeyn khasaaraha uu u geystay ciidamada.

Weerarada noocaan oo kale ah ayaa Reer Muqdisho ay ka nasteen waayihii dambo,balse hada waxa ay u muuqdaan inay soo laba kacleeyeen kooxihii weerarka ku qaadi jiray fariisimada ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

madiina.net

xafiiska wararka muqdisho

is-qarxxin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>