Number of View :171
Rafa Benitez ayaa shaaca ka qaaday in qaab ciyaareedka liitay ee Fernando Torres ee kulankii Swansea inay ugu wacneyd calool xanuun hayay ciyaaryahanka ku fadhiyo 50ka milyan ginni islamarkaana uu qaadanayay kaniiniyaal.
Tababaraha ku meel gaarka ah ee Chelsea ayaa ku amaanay ciyaaryahanka inuu ciyaaray inkastoo uu xanuunsanaa, islamarkaana Demba Ba uusan ku soo bilaaban karin ciyaartaas madaama tababarka uu dhaawac yar ku soo gaaray.
Torres ayaa carro kala kulmay taageerayaasha Chelsea kulankii Blues 2-0 looga badiyay lugta hore ee semi-finalka Capital One Cup waxaana ay u qalqaaliyeen in la bedelo oo la soo geliyo Demba Ba, laakiin Benitez ayaa sheegay in 7 maalmood oo uu caloosha ka xanuunsanaa inay ugu wacneyd qaab ciyaareedkii liitay ee ninka ay isku wadanka yihiin.
Benitez ayaa yiri: “Xaadir ayaan ahaa markii uu la joogay dhaqtar oo uu qaadanayay kaniiniyaal. Sidaas oo ay tahayna kooxda waa uu u ciyaarayay. Marka uu dib u bilaabo gooldhalinta taageerayaasha waa ay ka mahdin doonaan.
“Waxa uu ciyaarayay isagoo dhibaatadan qaba. Waa inaad noqotaa xirfadle sarre inaad isku daydo inaad shaqada ugu fiican u qabato kooxda adigoo xaaladan ku jira. Xaqiiqdii waan ku qancay habdhaqanka Fernando.
“Waan ku qancay sababtoo ah shaqo ayuu kooxda u qabanayay. Waxa ay aheyd inaan ciyaarsiino oo xaalada aan maareyno sababtoo ah ma wici karin Michael Laudrup (Tababaraha Swansea) mana ku dhihi karin Torres taam ma ahan.
“Ba ma uusan ciyaari karin, dhaawac yar ayaa tababarka ku gaaray. Waan jeclaan lahaa inaan arko ciyaartoydeyda oo dhan oo jaraa’idyada lagu amaanayo. Laakiin marka aad tahay ciyaaryahan sarre waa inaad aqbashaa dhaleeceynta laguu soo jeediyo.”
madiina .net
madiina.net@hotmail.com