Number of View :31
Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka Turkiga Bekir Buzdag ayaa ka hadllay is bar bar taaga ay sanadkii aynu soo dhaafnay ay u muujiyeen shacabka Soomaliyeed, isaga oo sheegay in bulshada Soomaalida arintaa aad u soo dhaweysay.
Dowladda Turkiga ayaa marka la eego sanadkii aynu soo dhaafay ee 2012-ka waxaa ay ka bilaabeen dalka Soomaaliya howlo isugu jira caawinta dadka danyarta ah oo ay siinayeen cuno bisil iyo mid ceyriin ah intaba, daweyn loo sameeyay dadka buka, iyo howlo dib u dhis ah ay ka wadeen caasimada.
‘’Waxey arintaa keentay in aynu aragno dadka dhahaya mar haddii ay dowladda Turkiga timid uma dhiman doono gaajo iyo dawo la’aan, taas annaga waa ay na sii dhiiri-galisay,’’ ayuu yiri ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka Turkiga.
Sidoo kale, Bozdag wuxuu sheegay in hay’adda TIKA ay horumarisay sannadkii hore ee 2011 dadaalka caawinta ah ee ay kawaddo caalamka, wuxuuna xusay inay hadda ka howlgasho 33 waddan oo ay Soomaaliya ku jirto.
Waxaa uu sheegay in sanadkan cusub ee 2013-ka rajeynayaan in ay sii xoojiyaan howlaha ay ka wadaan dalka Soomaaliya oo ay ku caawinayaan shacabka Soomaaliyeed.
Waxaa uu meesha ka saaray in caawinta dowladda Turkiga ay caawineyso shacabka Soomaaliyeed ka danbeeyaan arrimo siyaasadeed, iyadoo sheegtay in wax dan siyaasadeed ah oo ay ka leedahay Soomaliya jirin.
madiina.net@hotmail.com