Number of View :67
Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa shaaca ka qaaday in dhawaan dib loo bilaabi doono wada hadaladii dowladda dhexe iyo Soomaliland, isaga oo sheegay in dhawaan ay magacaabi doonaan guddigii dhinacooda uga qeyb-gali lahaa wada hadalada.
Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in marka la eego midnimada umadda Soomaaliyeed mar walba tahay laba taabtaan sida uu hadalka u dhigay, waxaana uu intaa raaciyay uu ku amaanayo dadka ku dhaqan deegaannada Soomaaliland sida ay u jecel yihiin midnimada.
‘’Waxaan ku rajo weynnahay in dib wada hadalada labada dhinac miro wanaagsan ka soo baxaan, ama guul laga gaaro, annaga dhinaceena waxaa geed gaaban iyo mid dheer intaba u fuuli doonaa sidii loo heli lahaa midnimada Soomaaliya ayuu yrii,’’ Ra’iisal wasaare Saacid.
Waxaa uu sheegay in caalamka looga baahan yahay in shacabka Soomaaliyeed ku taageeraan doonistooda, laakiin waxaa uu meesha ka saaray in beesha caalam-ku dirqiso ribtaankeeda shacabka Soomaaliyeed.
madiina.net@hotmail.com