555818_10200199915994354_1179776526_n 548369_10201180353965830_1185501263_n
SOMALI LINKS

ra’iisal wasaare saacid oo sheegay in dowlada ay ilaalin doonto xaquuqda aadanaha

Number of View :452

Ra’iisal wasaaraha Dowlada Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa shaaca ka qaaday in Dowlada ay ka go’an tahay ilaalinta xuquuqda Aadanaha, si loo gaaro ayuu yiri Dowladnimo.

Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa sheegay in ay ilaalin doonaan xuquuqda aaadanaha, isagoo sheegay inay wado kasta u marayaan sidi ay u ilaalin lahaayeen Bani’aadamka.

Gudoomiyaha Golaha Fulinta ayaa shaaciyay in arimaha la xiriira xuquuqda aadanaha ay bilaaw wanaagsan marayaan, isagoo xusay inay dhameystiri doonaan.

Dhanka kale Saacid ayaa soo hadal qaaday Qabaa’ilada Soomaaliyeed ee 22 sano ee la soo dhaafay awooda iskugu faani jiray, halka kuwa kalana la xaqiri jiray, wuxuuna tilmaamay in waxaas laga gudbay, qabaa’ilada Soomaaliyedna ay u siman yihiin Dowlada.

Hadalka Ra’isul wasaaraha ayaa ku soo aadaya xili uu xabsiga ku jiro Wariye C/casiis Koronto iyo dad badan oo kale, kuwaasoo aan helin xuquuqdooda, waxaana ay ka buuxaan Xabsiyada Dowlada Soomaaliya.

madiina.net

xafiiska wararka muqdishoshirdoon-640x426

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>