555818_10200199915994354_1179776526_n 548369_10201180353965830_1185501263_n
SOMALI LINKS

Ra’iisul Wasaare Saacid oo lagu eedeeyay inuusan soo faragalin arinta Puntland ka taagan

Number of View :138

Nabadoonada ka soo jeeda Deegaanada Puntland ayaa waxay eedeymo xoogan ay u jeediyeen Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Raa’isal Wasaaraha Xukuumada Somaliya Dr. Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).

Nabadoonada ayaa waxay sheegeen inay si weyn uga caroodeen sidii ay Madaxda Dowladda Soomaaliya uga aamuseen, xarigii uu dhawaan uu Madaxweynaha Puntland uu kula kacay Nabadoonada ka soo jeeda Deegaanada Puntland.

Nabadoon Yaasiin C/Samad oo ka mid ah Nabadoonada ugu magaca dheer ee Deegaanada Puntland ka soo jeeda, gaar ahaan Gobolka Mudug, ayaa wuxuu dhaliilay sida Madaxda Dowladda ay uga aamuseen xarigii uu Faroole uu kula kacay Nabadoonada Puntland.

Wuxuu sheegay in Madaxda Dowladda Soomaaliya aysan la hadli karin Madaxweynaha Maamulka Puntland, waayo buu yiri waxay ka cabsanayaan in hadhow uu iyaga uu ku soo jeesto.

Nabadoon Yaasiin ayaa wuxuu sheegay in xilligaan aysan Dowladda Soomaaliya ku jirin Xilligii Ku Meel Gaarka ahaa, isagoo intaasi ku daray inay ka baxday waqtigii adkaa, isla-markaana wuxuu ugu baaqay inay la hadlaan Madaxweynaha Puntland.

Siyaasiyiinta ka soo jeeda Deegaanada Puntland ayaa waxay si weyn uga soo horjeesteen muddo kororsiga uu sameeyay Madaxweynaha Maamulka Puntland, oo muddo hal sano ah ku darsaday.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>