Number of View :100
ciyaaryahankii ku guuleystay xidiga aduunka sanadkii 2008 isagoo u ciyaaraya kooxda manchester united ee cristian ronaldo ayaa warfidiyeenada u sheegay inuusan u dabaal degi doonin gool ka dhaliyo kooxdiisi hore ee manchester united.marka ay isaga hor yimaadaan wareega 16ka ee champions league.
Xiddiga reer Portugal ayaa lix sanno ku qaatay kooxda haatan hogaanka u heysa Premier League ka hor inta uusan ku biirin Los Blancos xagaagii 2009, waxaana uu dareen u hayaa kooxdiisii hore.
“Ma dabaaldegi doono hadii aan gool ka dhaliyo Manchester United” ayuu yiri Ronaldo sida ay qortay jariirada AS ka dib isku aadkii khamiista.
Madrid ayaa kulanka lugta hore waxa ay garoonkeeda ku soo dhaweyn doontaa Man United 13ka Febraayo, ka hor inta uusan Ronaldo iyo kooxdiisa Real Madrid aysan lugta labaad booqan Old Trafford lugta labaad 5ta bisha March.
“kooxda manchester waa kooxdii ii suurta galisay inaa ku guuleesto billadii iigu qaalisaneyd intaan kubada cagta ciyaarayey oo ah ballon’od sidoo kale waxey ii suurto galisay inaa ku guuleysto koobka aan hada isaga hor imaanay ee champions league ayuu u wargeyska AS u sheegay ronaldo.
madiina.net
xafiiska wararka ciyaarha muqdisho
madiina.net@hotmail.com