Number of View :55
Tababaraha xulka England Roy Hodgson ayaa soo jeediyay rigoorooyin lagu kala baxo hadii ciyaaraha saaxiibtinimo ee heerka caalami ay ku dhamaadaan barbaro.
Xulka Three Lions ayaa leh rikoorka ugu xun ee rigoorayaasha ee kubada heerka caalami, iyadoo rigoore looga reebay Euro 2012.
Hodgson ayaa aaminsan in rikoorayaasha lagu sameeyo garoonka tababarka inaysan la mid ah cadaadiska ciyaaryahan dulsaarmaya marka uu ciyaar rasmi ah ciyaarayo, sidaasi darteedna waxa uu doonayaa in rigorayaal lagu soo kordhiyo ciyaaraha saaxiibtinimo si ciyaartoyda ay ugu tababartaan inay rigoore tuuraan iyagoo hortaagan kumanaan taageerayaal ah.
“Waa fekrad aad u fiican” ayuu u sheegay suxufiyiinta.
“Waxaan kula heshiis karnaa mid ka mid ah xulalka naga soo horjeeda hadii ciyaarta barbaro ay ku dhamaato rigoore ayaan isla aadi karnaa.”
65 jirkaan ayaa hadalkiisa raaciyay: “Ugu yaraan ciyaaraha saaxiibtinimo waxa ay u dhow yihiin tartan heer caalami ah, marka aad rigoore ku tuureyso garoon tababar si sahlan ayaad u dhalineysaa, laakiin marka ay taageerayaal badan badan ku daawanayaan socod dheer ayaa u galeysaa inaad diilinta ganaaxa tagto.”
Iyadoo rigoore looga reebyay Euro 2012, England sidoo kale waxaa madax xanuun dhanka rigoorad ay ka soo wajahday koobabkii adduunka 1990, 1998 iyo 2006, iyo koobabkii Euro ee 1996 iyo 2004. Marka kaliya ee rigoore ay ku badiyeen waxa ay wareega 8da kaga badiyeen Euro 1996 xulka Spain.
madiina.net
xafiiska ciyaaraha muqdisho
madiina.net@hotmail.com