Number of View :172
Weerarka laga yaaban yahay waayahan ee man united iyo xulka holland Robin van Persie ayaa loo magacaabay ciyaaryahanka ugu fiicnaa bishii December horyaalka Premier League.
Weeraryahanka Manchester United ayaa halis ku ahaa goolka hortiisa xilli ciyaareedka oo dhan, laakiin bishii u danbeysay ee 2012 waxa uu RVP dhaliyay shan gool oo Premier League ah lix kulan uu saftay.
Waxaana ay goolashaasi ahaayeen kuwa muhim u ahaa guulaha kooxdiisa oo ay ku jirtay goolkii guusha ee uu ka dhaliyay kulankii ay 3-2 kaga badiyeen Manchester City.
Dhanka kale Andre Villas-Boas ayaa loo magacaabay tababarahii ugu fiicnaa horyaalka bishii December ka dib markii kooxdiisa ay si cajiib ah ku soo gashay kaalinta seddexaad ee horyaalka.
Spurs ayaa garaacday Fulham, Aston Villa iyo Sunderland bishii December, halka sidoo kale ay nasiibdarro ku lahaayeen inay guuldarro ka soo gaarto Everton.
madiina.net

madiina.net@hotmail.com