555818_10200199915994354_1179776526_n 548369_10201180353965830_1185501263_n
SOMALI LINKS

Safiirka Cusub ee Somaliya u fadhin doona S/Africa oo Warqadihiisa aqoonsiga laga gudoomay “Sawiro”

Number of View :254

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka koonfur Afrika Ambassador Sayid Xasan Shariif C/llaahi warqadihiisa Safiirnimo laga gudoomay isaga iyo Safiiro ka kala socda Wadamo ay ka mid yihiin Burundi,Sweden, Canada,
Cuba iyo kuwa kale,

Xaflad lagu qabtay Qarsiga Madaxtoooyada koonfur Afrika ayaa waxaa uu ka gudoomay Madaxweyne Jecob Zuma Safiiro uu ka mid yahay Sayid Xasan Shariif Cabdullaahi Safiirka Soomaaliya u fadhiya Koonfur Afrika ,

Intiii Xafladaasi lagu gudo jiray Qudba uu u jeediyay Madaxweynaha Safiiradii kasoo qeyb galay ayaa waxaa uu ku soo dhaweeyay Safiirada dalkiisa isagoo sheegay in uu aad ugu faraxsanahay wadashaqeynta
dowladiisa iyo dowladaha kale,

Sidoo kale Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika Jecob Zuma oo qudbadiisa u badnayd arimaha Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in aad ugu faraxsanahay in ay Soomaaliya ku yeelato Danjirihii ugu horeeyey
dalkiisa,

Ambassador Sayid Xasan Shariif C/llaahi ayaa isna dhankiisa u sheegay Madaxweyne Jecob Zuma in uu fariin salaan gaar ahaan Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ah ugu wado Dowladda Federalka ah ee Soomaaliy isagoo ugu mahadceliyay sida ay ay Dowlada Koonfur Afrika qaabisho,

Waa markii ugu horeeysay ee ay Soomaaliya ku yeelato Safaarad dalka Koonfur Afrika iyadoo tani ay noqonayso midd taariikhi ah,waxaan Koonfur Afrika ku nool Soomaali farabadan ee aan horay u heysan Dowlad xuquuqdooda kala hadasha Dowlada Koonfur Afrika,13 10 9 4 6 7 8 1 15

Ceyduruus Cabdi Xasan

K/afrika Cape Town

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>