555818_10200199915994354_1179776526_n 548369_10201180353965830_1185501263_n
SOMALI LINKS

Saraakiisha sare ee hay’addaha amniga dowladda oo gaaray degmada Afgooye

Number of View :128

Wararka laga hellayo degmada Afgooye ee gobollka Sh/hooose ayaa sheegaya in halkaa goor dhaw ay gaareen saraakiisha sar sare ee hay’addaha nabad-galyada dowladda Soomaaliya, kadib cabasho maalmihii ugu danbeysay ka soo yeereysay dadka ku dhaqan degmada.

Saraakiisha gaartay degmada Afgooye ayaa waxaa ka mid ah taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Jen C/qaadir Shiikh Cali Diini, Agaasimaha hay’addaha nabad-sugida Axmed Macalin Fiqi, taliyaha ciidamada booliiska Jen, Shariif Shiikhuna Maye, iyo guddoomiyaha maxkamada sare ee ciidamada qalabka sida.

Wararku waxaa ay sheegayaan in maxkamada ciidamada qalabka sida dhageysan doonto dacwado ay qabaan dad rayid ah oo eedeymo ku soo oogi doona ciidamo ka tirsan dowladda, iyadoo sidoo kalana ay wararku sheegayaan in maxkamada ciidamada qalabka sida xukuno ku ridi doonto ciidamo ka tirsan dowladda.

Ciidamo ka tirsan dowladda ayaa wadooyinka isku xira deegaanada Shabellaha Hoose iyo degmooyinka Marka iyo Afgooye ka geystay dhac, boob iyo kufsi ay u geysteen haween Soomaaliyeed.

Lama oga in saraakiisha ciidamada dowladda ku qaadi doonaan askarta dowladda ee kufsiga u geystay haweenka Soomaaliyeed go’aankii madaxweynaha ee ahaa in askarigii dil geysta la dilli doono.

Maalintii shalay ayeey aheyd markii ciidamo ka tirsanaa dowladda kufsi iyo dhac kula dhaqaaqee

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>