Number of View :161
Wararka hada dhow naga soo gaarey magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegayaan in Kooxo hubeysan qeybo ka mid ah Muqdisho ay ku toogteen Sargaal ka tirsanaa Ciidamada Dowlada Soomaaliya. Dad deegaanka ah ayaa waxaa ay warbaahinta u sheegeen in Sargaalka lagu toogtey Degmada Shibis ee Magaalada muqdisho halkaasi oo la tilmaamay inuu u joogey howlo shaqo,hase ahaatee Kooxo hubeysan oo dhalinyara ah ay fuliyeen dilka Sargaalkaasi ka tirsanaa ciidamada Dowlada. Sargaalka la diley ayaa wararka qaar waxaa ay sheegayaan inuu ahaa taliyaha nabad Sugida ee Degmada Shibis ee Gobalka banaadir,waxaana magaciisa lagu sheegay Cali Abooto,laakin warar kale ayaa sheegaya in kooxihii toogtey mid ka mid ah la qabtey oo ay gacanta ku hayaan ciidamada Dowlada. Xaalada Degmada Shibis ayaa hada waxaa ay tahay mid degan,waxaana dhanka kale Xaafadaha degmada ka socda baaritaano xoogan oo ku aadan sidii loosoo qaban lahaa Kooxaha dilka u geystay sargaal ka tirsanaa Ciidamada Dowlada Soomaaliya.
madiina.net@hotmail.com