Number of View :58
Magaalada Qardho ayaa saaka xaaladeedu tahay mid kacsan,iyadoo magaalada lagu dhex arkayo Ciidamo maleeshiyaad ah oo ka soo horjeeda Maamulka Madaxweyne Faroole.
Khadka Telfoonka oo aan goor dhow kula xiriirnay goob jooge magaciisa qariyay ayaa inoo xaqiijiyay in magaalada Qardho uu ka socdo Banaanbax lagu dalbanayo in magaalada uusan dagaal ka dhicin,waxaana banaanbaxa dhigaya Haween iyo caruur ku qeylinaya yaa dagalka wada?.
Maamulka Puntland ayaa Magaalada Qardho u arka inay ku sugan yihiin mucaarad ka soo horjeeda Dowlad Goboleedka, waxaana masuuliyiin u hadlay Puntland ay sheegeen inay gacan ku dhigayaan magaalada Qardho iyo deegaanada kale ee ay ku sugan yihiin mucaaradka.
Ciidamo badan oo maleeshiyaad ah ayaa ku sugan gudaha magaalada Qardho,kuwaasoo la sheegay inay u diyaarsan yihiin dagaal ay kala hortagaan ciidamada Maamulka Puntland u soo diri rabo magaaladaasi, waxayna wataan hubka iyo baabuurta dagaalka.
Xaalada Magaalada Qardho ayaa Maanta kacsan,waxaana bar bar socda banaanbax lagu dalbanayo in lagu joojiyo dagaalada.
Siyaasiga caanka ah ee Siciid Samatar ayaa ku sugan Magaalada Qardho, waxaana siyaasigan laga aaminsan yhay inuu ku jiro siyaasiyiinta diidan in Madaxweyne Faroole oo kororsado xilka madaxweynenimo.
madiina.net
madiina.net@hotmail.com