555818_10200199915994354_1179776526_n 548369_10201180353965830_1185501263_n
SOMALI LINKS

Shirakada Xawaalada Amaana oo deeq gaarsiisyay isbitaalka Baladweyne

Number of View :213

Shirkada Xawaalada Amaana ayaa maanta deeq qeybo badan ka kooban gaarsiisay isbitaalka guud ee magaalada Baladweyne oo dhawaan ay joojisay howlihii ay ka waday hay’adda MSF Swiss.

Madaxa Shirkada Xawaallada Amaana ee magaalada Baladweyne Xassan Ibraahim Xalane oo ka hadllay ama ka warbixiyay deeqda la ay gaarsiiyeen isbitaalka ayaa sheegay in ay ka jawaabayeen codsi uga yimid guddiga isbitaalka.

‘’Annaga oo ka jawaabnay codsi nooga yimid guddiga isbitaalka waxaan gaarsiinay maanta deeq kala duwan oo aan ugu talagalnay in mudo bil ah loo isticmaalo adeegyada kala duwan iyo baahiyaha ka jira gudaha isbitaalka,’’ ayuu yiri,’’ Xassan Ibraahim Xalane.

Deeqda shirkada Xawaalada Amaana ay maanta gaarsiisay isbitaalka ayaa ka koobneyd Shidaal mud bil ah ku filan Matoorka Isbitaalka, iyo raashin ka kooban Bariis, Sokor, Saliid, Digir, Haruur, iyo agab kale oo loo isticmaali doono nadaafada sida Oomo iyo Saabuun.

Guddiga iyo maamulka Isbitaalka oo deeqda si wada jir ah u gudoomay ayaa uga mahad celiyay shirkada Amaana sida ay isku bar bar taagtay xiligan adag isbitaalka magaalada Baladweyne, waxaana ay qeybaha kale shirkada ama jaaliyadaha dibada ugu baaqeen in ay qaadaan talaabo la mid ah tan ay qaaday shirka Amaana.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>