Number of View :157
Waxaa maanta si rasmi ah loo shaaciyay maalinta uu furmaya shirweynaha lagu dhisayo maamul goboleedka Jubbaland state.Gudoomiyaha gudiga Farsamada ayaa maanta magaalada Kismaayo ka shaaciyay in shirku uu furmayo 23/02/2013.
Gudiga farsamadu wuxuu sidoo kale shaaciyey in ergo kor u dhaafaysa 500 oo ergo ay ka qeyb galayso shirka kuwaas ka kala socda sadaxda gobol,Dowlada Somalia iyo IGAD.
Macalin Maxamed Ibraahin oo ah gudoomiyaha xubnaha gudiga farsamada ayaa iclaamiyay shirka wuxuuna sheegay in shirkan uu yahay isku daygii ugu dambeeyay ee maamul loogu dhiso dadweynaha ku nool gobolada Jubooyinka iyo Gedo
Waxaa magaalada Kismaayo ka socda dhaq dhaqaaq iyo diyaar garoow ku aadan shirweynaha maamul usameynta gobolada Jubooyinka iyo Gedo oo la iclaamiyay in maalinta sabtida ee Bishu tahay 23/02/2013 uu ka furmi doono magaalada Kismaayo.
madiina.net@hotmail.com