555818_10200199915994354_1179776526_n 548369_10201180353965830_1185501263_n
SOMALI LINKS

Shirka Soomaaliya ee London lagu qabanayo oo la sheegay muddada uu dhacayo

Number of View :277

david-300x164Raysalwasaaraha Britain David Cameron ayaa maanta sheegay in isaga iyo Madaxweynaha Soomaaliya isku waafaqeen waqtiga la qabanaayo shirka Soomaaliya looga hadlaayo kaas oo ka dhacaya magaalada London.

Raysalwasaaraha ayaa barta uu ku leeyhaya Twitterka ku qorey in isaga iyo Madaxweynaha Soomaaliya ay isla garteen in ay wada martigeliyaan shir caalami ah kaasoo dhacaya 7 May 2013.

Raysalwasaaraha ayaa sheegay in shirkaani yahay mid dhisaya shirkii hore ee lagu guulesytey ee lagu qabtey London Feberaayo 2012.

Shirkan ayaa diirada lagu saari doonaa dib u dhiska dalka Soomaaliya iyo waxa ka qabsoomey shirkii hore ee London kaas oo lagu tilmaamey in u ahaa mid wax weyn ka beddalay xaaladda Soomaaliya.

Dalka Britain ayaa sanadkan 2013 ah Guddoomiyaha dalalka dhanka wershadaha ku horumarey ee loo yaqaan G8, dhamaan dalalkaas ayaa ka soo qaybgalaya shirka iyo kuwo kale oo badan waxaana qorshaha u weyn yahay in Soomaaliya loo sameeyo sanduukh dib loogu dhiso, taageerada ciidamada nabad ilaalinta ee AMISOM iyo dhismaha laamaha amniga ee Soomaaliya.

Shirka London May 2013 ayaa ka duwanaan doona kii hore maadaama Soomaaliya ay hadda ka jirto dawlad rasmi ah taas oo heshiisyo

caalami ah geli karta, inkasta oo xaaladda nabadgelyo iyo khatartii jirtey aan weli waxba laga beddelin iyada oo al-Shabaab lagaqabsadey dhul badan oo ay ahsyteen sanadkii hore.

 

Xafiiska wararka Uk
ww.madiina.net

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>