Number of View :115
Shir Madaxeydka Wadamada Islaamka ayaa goor dhaw ka furmay Magaalada Qaahira ee xarunta Dalka Masar iyadoo shirkaana Soomaaliya uu uga qeybgali doono Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo oo xalay gaaray magaalada Qaahira.
Waxaa goordhow magaalada Qaahir ee caasimada wadanka Masar ka furmay shir weyne ay isugu yimaadeen hoggaamiyeyaasha wadamada Islaamka waxaana dalka Soomaaliya shirkaasi uga qeyb galay Madaxweyne Xasan Sheekh, R/wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibada, wasiiru dowlaha Madaxtooyada iyo xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya Prof Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in uu khubad ka jeediyay shirka taas oo uu uga hadlayo xaalada wadanka iyo hormarka ay ku talaabsatay dowladda Soomaaliya.
madiina.net@hotmail.com