555818_10200199915994354_1179776526_n 548369_10201180353965830_1185501263_n
SOMALI LINKS

Somaliland iyo Khaatumo oo dagaallamay

Number of View :432

Somaliland-armyDagaal culus oo u dhaxeeya maleeshiyo daacad u ah maamulka dhowaan la sameeyay ee Khaatumo iyo ciidanka Somaliland ayaa lagu soo warramayaa inuu xalay ka dhacay galbeedka degmada Xuddun ee gobolka Sool.

Weli lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysay dagaalka, hase ahaatee warar ayaa sheegaya in dagaalka oo ka dhacay deegaanka Laf-weyn, oo 20 km galbeed kaga began Xuddun, uu dhacay kaddib markii ciidamo ka tirsan Somaliland ay weerar ku qaadeen saldhig milateri oo maamulka Khaatumo uu ku leeyahay deegaanka.

Wasiirka amniga gudaha ee Khaatumo Maxamed Ducaale Cabdi ayaa waxa uu sheegay inay khasaare xooggan gaarsiiyeen ciidanka Somaliland, iskana caabbiyeen. Wuxuu sheegay inuusan jirin wax khasaare ah oo gaaray dhinacooda.

Wuxuu ku eedeeyay ciidanka Somaliland inay khalkhal ku hayaan ammaanka gobolka, tacaddiyana ay u geystaan shacabka taageersan maamulka halka sano jirsaday ee Khaatumo.

Somaliland weli wax war ah kama aysan soo saarin dagaalka.

Horraantii sanadkii hore ayaa magaalada Taleex loogu dhawaaqay maamulka Khaatumo oo la sheegay inuu matalayo dadka ku dhaqan gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>