Number of View :35
Dalka Koonfur Afrika waxaa ku sugan shacab Soomaaliyeed oo aad u badan, kuwaas oo habeen iyo maalin halkaasi si aan caadi ahayn uga shaqeeysan jiray, hase haatee waxaa la sheegayaa in xaaladda ay ka dartay ka dib markii Soomaali badan loo diiday in dalkaasi ay isaga soo baxaan.
Maalintii shalay ayaa waxaa la sheegay in ilaa 7-dhalinyaro oo Soomaali ah misane doonaayay inay kasoo tagaan Koonfur Afrika la xiray ka dib markii ay garoonka yimaadeen, hase ahaatee waxaa la sheegayaa in saacado ka dib lasoo daayay balse inay dalkooda soo aadaan loo diiday.
Mid ka mid ah dhalinyaradii lasoo celiyay ayaa madiina.net u sheegay in loo sheegay inaan loo ogoleen dalkaasi inay ka baxaan maadaama aysan haysan sharci weyn oo dalka ay uga tagi karaan waa sida ay hadalka u dhigeene.
sidoo kale waxaa jirtay Soomaali kale oo horay iyana sidaan oo kale loo qabtay loona diiday inay dalka Koonfur Afrika isaga soo baxaan, iyadoona weli Uljeedka rasmiga ah ee ay ka damacsan tahay dowladda Koonfur Afrika aan la ogeen.
Si kastaba ha ahaatee, dalka Koonfur Afrika waxaa ku sugan shacab badan oo Soomaaliyeed kuwaas oo qaab ganacsi ah halkaasi ku tagay, waxaana ay la kulmeen dhibaatooyin badan sida dilal iyo dhac, laakiin hadda waxaa mucjiso ka haysataa inay dalkooda soo aadaan.
madiina.net
madiina.net@hotmail.com