555818_10200199915994354_1179776526_n 548369_10201180353965830_1185501263_n
SOMALI LINKS

Soomaaliland oo shuruud ku xirtay sii socoshada wada hadalada ay kula jirto dowladda Soomaaliya

Number of View :162

Wasiirrka wasaarrada arrimaha dibada xukuumada Soomaaliland Dr Max’ed C/llaahi Cumar ayaa sheegay in dhinacooda diyaar u yihiin sii socoshada wada hadaladii kol hore u bilaawday maamulkooda iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya, laakiin waxaa uu sheegay in ay shuruud ku xirayaan sii socoshada wada hadllada.

Waxaa uu sheegay wasiirrka in marnaba aqbali doonin in guddiga uga qeyb-galaya wada hadallada dhinaca dowladda dhexe ee Soomaaliya lagu soo darro shaqsiyaad ka soo jeeda Soomaaliland.

‘’Horay ayaan arintaa u diidnay, waan ka digeynaa in guddiga lagu soo darro shaqsiyaad ka soo jeeda deegaannada Soomaaliland, taasi waxaa ay caqabad ku noqon doontaa sii socoshada wada hadalada ayuu yiri,’’ wasiirrka arrimaha dibada Soomaaliya.

Warka ka soo yeeray Soomaaliland ayaa u muuqda mid si toos ah ugu dhacaya ama u taabanaya wasiirrka arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ee xukuumada Soomaaliya Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo dhalasho ahaan marka la eego ka soo jeeda gobollka W/galbeed.

Ra’iisal wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa sheegay in xukuumada Soomaaliya diyaarineyso guddigii uga qeyb-gali lahaa wada hadallada, iyadoo dad badani aaminsan yihiin in liiska guddiga Soomaaliya u matalaya laga yaabo in ay ka mid noqoto wasiirrka arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan.

Lama oga sida ay ka yeeli doonto xukuumada uu hogaamiyo ra’iisal wasaare Saacid hadalka ka soo yeeray maamulka Soomaaliland oo shuruud ku xiraya sii socoshada wada hadalaada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>