Number of View :339
Xulka kubada kolayga Soomaaliya ayaa ugu danbeytii isaga haray tartanka Qaramada africa Zone 5 ee kubada koleyga, kadib markii la kulmeen cayaartii Semi-finalka xulka kubada koleyga dalka Rwanda.
Cayaarta oo aheyd mid aad u xiiso badan daawashadeena siweyn looga soo qeyb ga-galay ayaa ugu danbeytii waqtigii loogu talagalay ku soo dhamaatay 85-83 oo ku badisay Rwanda.
Xulka Qaranka Kubadda Kolayga Soomaaliya ayaa wuxuu horay uga soo badiyay Xulalka Kenya iyo Burundi oo uu si xarago leh uga soo badiyay. Xulka Soomaaliya iyo Xulka Kenya ayaa waxay berri u tartami doonaan kaalinta seddexaad ee tartankan.
Cayaartooyda Soomaaliya oo ah kuwo ka kala yimid dalka Mareykanka, Canada, Australia iyo Soomaaliya, ayaa soo bandhigay cayaar runtii ay siweyn ula dhaceen dadkii u soo daawasho tagay, waxaana ugu danbeytii la oran karaa waxaa ka hiilayay nasiibka.
Daawashada ciyaarta waxaa ka qyebgalay dadweyne aad u faro badan oo Soomaaliyeed, kuwaasi oo Tanzania u tegay in ay taageeraan ciyaartoyda xulka Qaranka Kubadda Kolayga Soomaaliya, sidoo kalena waxaa daawashada ciyaarta ka qeybgalay diblumaasiyiiyiin Soomaali ah oo ay ka mid yihiin Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya Danjire Maxamed Cali Nuur Ameerika oo Tanzania u tegay in uu taageeradiis u muujiyo ciyaartoyda Soomaaliyeed, Qunsulka Safaaradda Soomaaliyeed ee Tanzania Mohamed Dirie Elmi iyo Xoghayaha labaadee safaaradda Soomaalida ee Tanzania Maxamed Shiikh C/llaahi Carab. Waxaa kale oo ciyaarta wax ka daawanayay Qunsul Sharafeedka Djibouti ee Tanzania Saciid Shaamow.
Waxaa la oran karaa cayaartooyda Soomaaliyeed mudadii uu tartanku socday waxaa ay muujiyeen karti iyo isku xirnaan dheeraad ah, waxaana ay ku soo bandhigeen garoonka cayaar xirfadeedu sareyso oo siweyn u soo jiidatay idhaha daawadayaasha.
Lugta ugu danbeysa waxaa ku kulmi doona cayaartoyda xulka dalka Rwanda iyo Masar oo isugu soo haray Finalka.
madiina.net@hotmail.com