Number of View :60
Kooxda Stock City ayaa gurigeeda ku soo dhaweeysay Kooxda Liverpool Caawa kulan ka tirsan Horyaalka England Premeir League waxaana Kooxda Liverpool lagu dubtay 3 iyo 1.
Captain Gerrard ayaa Gool Rigoore ah u Dhaliyay Kooxdiisa Liverpool Daqiiqadii 2 ee biloowgii ciyaarta waxaana isla 3 Daqiiqo kadib Gool barbara ah ka dhaliyay Daqiiqadii 5 Ciyaariyahanka Walters halka Jones uu asna u Labeeyay Daqiiqadii 12 waxaan qeybtii hore ee Ciyaarta lagu kala nastay 2 iyo 1 oo ay hogaanka ciyaarta heysay Stoke C.
Qeybtii Labaad ee Ciyaarta markii la isugu soo laabtay ayaa waxaa halkaasika sii socday weerarkii Kooxda Stock waxuu mar kale Sameeyay Goolkii Saddexaad oo uu dhaliyay Ciyaariyahanka Walters Daqiiqadi 49 waxuuna ka dhaliyay Gool Cajiib ah oo qatar ah waxeey ciyaarta yeelatay waji kale oo ah in Stock Hogaanka CIyaarta toos ula waregtay halka Kooxda Liverpool ay fursado ay sameeyan anan wax gool ah aysan ku dhalin waxaana sidaa 3 iyo 1 lagu dubtay Kooxda Liverpool.
Dhanka Kale Kooxda Tottenham ayaa caawa xaquuqqday Kooxda Aston Villa oo todbaadkii hore guuldaro xanuun badan kala soo kulantay Kooxda Chelsea oo 8 gool kaga badisay halka caawana 4 gool ay tottenham uga badisay.
Afarta Gool ee Caawa lagu xasuuqay Aston Villa waxaa Saddex ka mid ah Dhaliyay Bale halka mid kale uu dhaliyay Defoe.
guushaan ayaa waxey tottenham dhigeysaa kaalinta afaraad ee kala horenta horyaalka england waxeyna dagaal ugu jirtaa sidii ay xilli ciyaareeedka danbe uga qeyb gali laheyd koobka horyaalada yurub ee ueafa champions league walow ay dagaal kala kulmi doonto kooxaha arsenal iyo everton.
madiina.net
xafiiska ciyaaraha muqdisho
madiina.net@hotmail.com