555818_10200199915994354_1179776526_n 548369_10201180353965830_1185501263_n
SOMALI LINKS

suarez waa messi-ga liverpool sida uu sheegay harry redknapp

Number of View :773

Luis Suarez ayaa xilli ciyaareedkan si fiican uga dhex muuqda horyaalka Premier League, waxaana ay keentay in tababaraha QPR Harry Redknapp uu la meel dhigo weeraryahanka reer Uruguay sida xiddiga Barcelona Lionel Messi.

Weeraryahankan Liverpool ayaa ku burburiyay kooxda Redknapp ee QPR labo gool uu axadii kaga dhaliyay Loftus Road, hadana isla xalay ayuu labo gool kale ku baabi’iyay Sunderland oo looga badiyay 3-0.

Suarez ayaa sidoo kale si xariifnimo ah uga shaqeeyay goolkii furitaanka ee Raheem Sterling, taasoo keentay in Redknapp uu u sheegay Rodgers in Suarez uu yahay Messi-ga Liverpool.fff

“Waxaan la hadlayay Harry ka dib ciyaarteenii, waxaana uu yiri Luis waxa uu leeyahay qaabka Messi.” ayuu yiri tababaraha Liverpool.

“Markii aan fasax siiyay bilowgii xilli ciyaareedka ma uusan dooneynin. Ma uusan dooneynin inuu nasto. Waa ciyaaryahan jecel inuu ciyaaro isbuucii labo ama seddex jeer si uu heer sarre u gaarsiiyo ciyaartiisa, hal kulan hal isbuuc uma fiicna isaga. Waxa uu u baahan yahay inuu ciyaaro.

“Waadna arki kartaa jawaabta laga helayo. Shaqadiisa marna hoos uma dhacdo. Waa nin kooxda la ciyaara, maalin kastana tababar qaata. Marna miiska daawada ma uusan tagin, mar walba qaab ciyaareedkaas ayuu u ciyaaraa. Sida uu kubada u dhaqaajinayo waxa uu helaa boos uu si qatarnimo ah u abuurto. Waa wax fantastik ah in la arko isagoo horumar sii sameynaya.”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>