555818_10200199915994354_1179776526_n 548369_10201180353965830_1185501263_n
SOMALI LINKS

tababaraha kooxda deportivo oo shaqada laga ceyriyey

Number of View :366

jJosé Luis Oltraose Luis Oltra ayaa laga eryay tababaranimadii kooxda Deportivo iyadoo kooxdaasina ay haatan u hooseyso horyaalka dalka Spain ee Spanish Primera Division.

Oltra oo kooxda Depor ka soo saaray heerka labaad xilli ciyaareedkii hore iyadoo kooxdana ay gaartay rikoor cusub oo ah 91 dhibcood ayaa loo sheegay in shaqadii laga eryay kadib markii ay wada kulmeen Madaxweynaha kooxda Augusto Cesar Lendoiro.

Lendoiro ayaa xaqiijiyay in la eryay tababarihii kooxda kadib markii uu caawa qabtay shir jaraa’id. Waxana uu sheegay inaysan jirin wax kale oo kooxda u furan inay samayso. Lendoiro ayaa sheegay in saacadaha soo socda lagu dhowaaqi doono ciddii bedeli lahayd tababaraha shaqada laga eryay.

Tababare Oltra ayaa ka tegaya kooxda iyadoo leh 12 dhibcood kadib 17 kulan oo ay safatay waxayna kooxdu badisay labo kulan oo kaliya.

Ciyaartoyda kooxda Depor ayaa ku soo laabanaya Isniinta tababarka iyadoo kulankooda ugu horeeya ee 2013 ay sabtida soo socota ay garoonkooda ku martigelin doonaan kooxda Malaga.

madiina.net

xafiiska ciyaaraha muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>