555818_10200199915994354_1179776526_n 548369_10201180353965830_1185501263_n
SOMALI LINKS

Tababare Sir Alex Ferguson oo isha ku haayo frank lampard.

Number of View :302

Tababaraha kooxda Manchester United Sir Alex Ferguson ayaa doonaya Frank Lampard, waxaana xiddiga Chelsea uu sidoo kale diyaar u yahay inuu u dhaqaaqo Old Trafford sida ay qortay jariirada The Sun.

Lampard ayaa la rumeysan yahay in loo sheegay inaan in badan looga baahneyn Stamford Bridge marka qandaraaskiisa uu dhaco xagaaga.

Tababaraha United Alex Ferguson ayaa waxaa ka dhaadhacsan in halyeeygan khadka dhexe oo 34 jir ah inuu weli shaqo fiican ka qaban karo kubada cagta ugu sareysa.

Muddo badan ayuu jeclaa ciyaaryahanka sida ay sheegeyso The Sun, waxaana uu isku dayay inuu la soo wareego ka hor inta uusan ku biirin Chelsea 12 sanno ka hor.

Waxa ay u badan tahay in wax heshiis ah uusan dhici doonin bishaan, madaama Chelsea ay lacag dalban doono, halka sidoo kale Lampard uu doonayo inuu dhameysto qandaraaskiisa Stamford Bridge.

Laakiin United ayaa diyaar u ah sida The Sun ay qortay maanta inay u soo bandhigaan heshiis hal sanno ah xagaaga, iyadoo loo balanqaadayo sannad labaad hadii wax walba ay si hagaagsan ku socdaan.

Kooxda Old Trafford ka dhisan ayaa durbaba lagu soo waramayaa inay xiriir la sameysay wakiilada Frank Lampard.

Waxa uu haatan Lamps heystaa fursado kale oo uu ugu biiri karo kooxo Premier League ka dhisan ama England banaankeeda.

madiina.net

xafiiska wararka

muqdisho – somalia

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>