Number of View :122
Korneel Mahad C/Raxmaan ayaa wuxuu ku goodiyay inaan la taaban kareyn oo xil ka qaadis lagu sameyn kareyn Gudoomiyaha Gobolka Baay ee Dowladda C/Fataax Maxamed Ibraahim (Geeseey).
Taliyaha Ciidamada Dowladda ee Magaalada Baydhabo Korneel Mahad C/Raxmaan, ayaa wuxuu sheegay in Gudoomiyaha Gobolka Baay ay u aqoosan yihiin oo kaliya C/Fataax Geeseey.
“Haddii nala weydiiyo oo wax nalaga weydiiyo yaa weeye Gudoomiyaha Gobolka Baay, waxaan u naqaanaa oo aan ku jawaabeena C/Fataax Geeseey.” Ayuu yiri Taliyaha Ciidamada Dowladda ee Magaalada Baydhabo.
Wuxuu sheegay inaysan marnaba aqbali doonin cid aysan aqoon oo banaan laga keenay, inta Maamul rasmi ah looga soo sameynaayo Gobolka Baay, ayuu sheegay in tallada uu siin heyn doono C/Fataax Geeseey.
Dowladda Soomaaliya ayaa waxay toddobaadkii hore ay xil ka qaadis ay ku sameysay Gudoomiyaha Gobolka Baay, walow uu xil ka qaadista uu iska diiday C/Fataax Geeseey.
madiina.net@hotmail.com